
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay shil baabuur oo ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garoowe.
Shilkaan ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen laba baabuur waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba ruux halka ay Afar kale ku dhaawacmeen
Mas’uul ka tirsanaa Madaxtooyada Puntland ayaa kamid ah labada ruux shilka ku dhintay .
Dadka Waxyeelada uu ka soo gaaray Shilka ayaa loo qaaday isbitaalka Magaalada Garoowe halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacyada.
Leave a Reply