
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabbilay Safiirka Dowladda Shiinaha u qaabilsan dalkeena Soomaaliya , FEI Shengchao.
Wasiirka Arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha ee kala ah dhinacyada Amniga siyaasadda, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka geeska Afrika.
Safiirka Shiinaha ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u tahay saaxiib istaraatiiji ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Leave a Reply