Alshabaab oo lagu eedeeyay Weerar ka dhacay Lamu

Koox loo maleeynayo in ay ka tirsan yihiin Al- shabaab ayaa dab qabadsiisay qalab ay leedahay Shirkadda Dhismaha iyo Isgaarsiinta Shiinaha ee Lamu, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Lamu Irungu Macharia.

talaabadaan ayaa imaanaysa xilli Senator-ka magaalada Lamu Anwar Loitiptip, uu dowladda ka codsaday inay disho dhammaan burcadda iyo Dadka looga shakisan yahay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab ee loo soo xiri doono weeraradii ugu dambeeyay.

Sida uu sheegay gudoomiyaha ismaamulka Lamu Irungu Macharia, 10 qof ayaa loo soo xiray tan iyo markii ay dhaceen weeraro is daba joog ah oo lagu dilay 15 qof oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka tirsan ciidamada GSU.

Alshabaab ayaa kordhisay Weerada ay ka geysanayso Gudaha Dalka Kenya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*