
Ciidamada Itoobiya ayaadoonaya in ay gudaha u galaan Magaalada Mekelle ee , caasimadda gobolka Tigray ayna “kasifeeyn doonto ” xoogagga TPLF, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Itoobiya , xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda waqooyiga dalkaas.
Dalka Itoobiya ayaa muddo ka badan hal sano waxaa ka socday dagaallo, iyadoo ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay la dagaalamayaan ciidamada daacadda u ah xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliya gobolka Tigrayga.
Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya General Abebaw Tadesse oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dowlada ee Fana ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF.
Leave a Reply