Madaxweyne Deni oo qaabilay Xildhibaanadii lagu doortay Garowe

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Xildhibaanada cusub ee loo doortay shalay in ay Puntland ku metelaan Golaha Shacabka JFS.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada cusub wuxuuna u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda loo doortay.

Madaxweynaha Mamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Mudane Maxamed Cawil Warsame iyo Xubin ka mid ah Guddiga Mudane Bashiir Axmed Yuusuf.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*