
Doorashada kuraasta Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya maanta ka dhacaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo
Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waxa lagu qabtay doorashada 12 kursi oo kamid Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka.
Muqdisho waxa ka dhacaysa doorashada 9 xildhibaan oo golaha ka soo galaya gobollada woqooyi, halka Baydhabo lagu qabanayo doorashada 3 xildhibaan oo golaha ka soo galaya gobollada koonfur galbeed.
Doorashada ka socota labada magaalo, waxa illaa hadda ku soo baxay, sida ay ku dhawaaqeen guddiyada doorashooyinka xubnaha kala ah:
1- Hop#215 – Ayuub Ismaaciil Yuusuf
2- Hop#214 – Cilmi Maxamuud Nuur
3- Hop#056 – Maxamed Jaamac Mursal
4- Hop#231 – Isxaaq Maxamed Mursal {Fanax}
5 – Hop#245 – Cabdiraxmaan Axmed Suge
6- Hop#247 – Khadra Maxamuud Raage
7- DR Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#201 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho waxaana kursigaasi hore ugu fadhiyay Wasiirka Maaliyada Xukuumnadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Doorashada maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa looga adkaaday Xisbiga nabad iyo Nolol halka tii Baydhabo ka dhacday ay ku guuleysteen taageerayaasha Villa Soomaaliya
Leave a Reply