Wararkii ugu dambeeyay Xiisada ka taagan magaalada baladweyne

Xiisad ayaa ka taagan magaala Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan kadib markii Maleeshiyo hubeysan qabsadeen qaar kamid ah xaafaddaha iyo wadooyinka muhimka ah ee Beledweyne. Sidoo kale dadweyne fara badan oo taageersan miliishiyada magaalada soo gashay ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada.

Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere oo hogaaminayay miliishiyada Beledweyne soo gashay, ayaa meel fagaare ah ka sheegay, in sababta ay sidaas u sameeyeen ay tahay, iyadoo la doonayay inuu magaaladaasi tago madaxweynaha Hirshabeell cali Guudlaawe Xuseen, taasina ay diidan yihiin haddii ay yihiin kooxda kacdoonka wada.

“Bulshada reer Hiiraan aad ayaan u salaamayaa, shuucuurta ay muujiyeen, ka hortaga ay ka hortageen ninkii cadowga ahaa ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u hanqal taagayay Beledweyne, Beledweyne wuxuu leeyahay rag iyo Alle, shacbiyad diidan ayaa Beledweyne joogta, horaan u sheegnay dadka meeshan jooga, dad dadkaasi keeni kara maaha, wadanka annagaa leh, annagaana u dhimanayno, Hirshabeelle wax la yiraahdo oo ka shaqaynaayana ma jiraan.” Ayuu yiri taliye Nuur Dheere.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*