Wasiir Beyle oo sharaxay sababta uu ku waayay kursigii uu ku fadhiyay

Wasiirka Maaliyadda  Xukuumadda  Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa shir ja’raaid oo uu maanta qabtay waxa uu uga hadladlay sababta uu ku waayay kursiga xildhibaanimada oo uu muddo ku fadhiyay.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in kursigiisa uu ku waayay arrimo badan oo ku saabsan howlaha miisaaniyda oo uu iska diiday.

“Waxaan doonayaa inaan dadka Soomaaliyeed la wadaago aniga waxaan runtii halkaan aan u joogaa in aan maamulo miisaaniyadda dalka, xildhibaan haddii uusan wasiir la socon kolayba aniga ma joogeen, sharaf weyn ayey ii tahay inaan xildhibaan ahaado laakiin haddaan tayda ka hadlo miisaaniyadda iyo dhakhaalaha dalka inaan u maamulo si sharciyeysan ayaan jooga.” Ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan DucaaleBayle.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sida hufan ee uu shaqadiisa u wato ay sababtay inuu ku waayo dad badan oo ay asxaab ahaayeen.

Doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho ayaa Kursiga Hop#201 ayaa waxaa ku guuleystay DR Cabdullaahi Xaashi Abiib Waxaana kursigaasi hore ugu fadhiyay Wasiirk Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*