
Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo maanta Magaalada baladweyne kula hadlayay Ciidamada gaar ah ee Gorgor oo Baladweyne Maanta gaaray ayaa halkaas ku soo dhaweeyay isaga Marka hore uga Mahadceliyay Dowladda federaalku Soomaaliya Sida Wanaagsan ay u dhistay Ciidamada Xooga dalka.
Sidoo kale ‘Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Yuusuf Dabageed ayaa dhanka kale Ciidamada kula dardaarmay Xaqiijinta Amaanka Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle gaar ‘ahaan Magaalada baladweyne.
Qorshaha ciidanka loogeeyay Magaalada Balad weyne ayaa ku soo aadeysa xilli dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayey maalmahaan magaaladaasi.
Leave a Reply