Maxaa ka soo baxay kulanka Ra’iisal wasaare Rooble iyo sanitor Cabdi xaashi?

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar.

Kulanka ayaa waxa ka horeeyey xurguf siyaasadeed oo jimcihii hore saxaafada la isku mariyey taas oo Boqor buur madoow iyo Cabdi Xaashi ay Rooble ku eedeeyeen in boobayo kuraasta gobollada waqooyi ee doorashadooda tahay Muqdisho.

Kulanka maanta waxa uu ahaa mid lagu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay dhinacyada islamarkaana heshiis laga gaaray khilaafkii yaraa ee mar kale yimid.

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa mar kale heshiis la is gacan geliyey dhexmaray iyadoo gacanta seddexaad ee heshiiskaasi aheyd mida R/wasaare Rooble.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*