
Wafdi uu hogaaminaayo Agaasimaha Hay’adda Socodaalka Iyo Jinsiyadda ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdulkadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, Waxaana garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku sood haweeyey Mas’uliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo isugu jira Wasiiro ,Xildhibaano, Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha guud ee koonfur Galbeed iyo Madaxda Hay’adda Socodaalka Jinsiyada laanta 3aad ee Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.
Socdaalka uu maanta magaalada Baydhaba ku gaaray Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ah kormeer uuugu kuur galayo Howlaha Shaqo ee Hay’adda socdaalka ay ka wado degaanada Koonfur Galbeed iyo kulamo uu la qaadaanayo madaxda hay’adda socdaalka ee ku sugan Magaalada baydhabo
Leave a Reply