Xaruumaha Ganacsiga ee Suuqa bakaaraha oo Albaabada loo laabay

Ganacsiga qaybo ka mid ah Suuqa bakaaraha ayaa maanta  xiran iyadoo Albaababa laysugu laabay xaruumihii ganacsiga ee suuqaasi

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa sheegay in ay ku adkaatay in ay hantidooda ka bixiyaan lacag dhan boqolkiiba sodan ee canshuurta laga rabo.

Sidoo kale ‘ganactada suuqa Bakaaraha ayaa horay u bixin jiray lacago cashuur ah balse maanta waxa ay sheegeen  in lacagta canshuurta laga rabo in aysan Awoodin in ay bixiyaan maadaamaa Hantida u taala Xaruumahooda ganacsiga aysan u dhigmin lacagta Canshuurta ah ee laga rabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*