10 kursi oo maanta la doortay

Doorashada 10 kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya , ayaa maanta lagu qabtay Magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Garoowe.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay doorashada 3 kursi oo Gobolada waqooyi ee Somaliland ah Soomaaliland waxaana la doortay Xubnaha kala ah xildhibaan ,Siciid Maxamed Maxamuud, Ifraax Maxamed Cawad iyo Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu doortay saddex Xildhibaan oo kala ah xildhibaan, Saadaq Cumar Xasan (Joon), Maxamed Ibraahim Cali iyo Qaali Axmed Diiriye.

Sidoo kale magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland Waxaa lagu doortay afar xildhibaan oo kala ah, C/qafaar Cilmi Xaange, Fardawsa Cusmaan Cigaal, Xersi Jaamac Gaanni iyo Maxamed C/raxmaan Axmed Xalayle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*