Dhageyso: Shirka Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya

Shirkii golaha wasiirada soomaaliya maanta yeesheen ayaa wasiirada amniga iyo gaashaandhiga waxa la dhageystay warbixin kusaabsan xaalada dalka iyo ciidan aysan ogeyn oo la geeyey B/weyne shalay Arbacadii.

R/wasaare Rooble oo kulankaasi shir gudoominayey ayaa sheegay in aysan ku qancin qaabka ciidanka loogu adeegsanayo xaalada B/weyne islamarkaana ay kala hadleen duqeyda dhaqanka gobolka hiiraan arintaas sidii wax looga badeli lahaa.

Wasiirka koobaad ee Xukuumada Engineer Rooble ayaa sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle uu taleefoonka kula hadlay uuna usheegay sida wax ujireen.

Intaas kadib Golaha Wasiirada ayaa guddi usaaray ciidanka la geeyey B/weyne iyadoo R/wasaaruhu Amray taliyeyaasha ciidanka in deg deg askartii la geeyey Magaaladaasi looga soo saaro.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta C/raxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa warbaahinta la hadlay kulanka kadib isagoo ka warbixiyey go’aanada shirka laga soo saaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*