Gudiga Xalinta Khilaafaadka oo hakiyay 3 kursi

qoraal ka soo baxay Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashoyinka Soomaaliya ayaa joojiyey kuraas sedax ah oo doorashadooda la qabtay.

Kuraasta la hakiyey natiijadooda ayaa kala kala ah HOP201, HOP209 iyo HOP211 kuwaas oo lagu doortay Muqdisho waana kuraasta Gobollada Wuqooyi.

Warbaahinta ayaa ogaatay in dacwo ay beelaha qaar ay keeneen iyo xildhibaanadii laga guuleystay taas oo baaritaan lagu sameyn doono sida la sheegay kuraasta iyo qaabka doorashadooda udhacday.

Kuraasta la hakiyay ayaa waxaa ay kala yihiin:

Kursiga uu ku fadhiyey C/raxmaan Ducaale Beyle
Kursiga uu ku fadhiyey Ahmed Dhimbil Roble
Kursiga ay ku fadhisey Caasho Koos Maxamuud Cumar

Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Maxamed Cawil Warsame ayaa faray Guddiga Doorashooyinka heer Federal iyo guddiga hirgelinta doorashooyinka Soomaaliland Gobollada wuqooyi in ay la shaqeeyaan si baaritaanka la sameenayo.

Lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashoyinka Soomaaliya kuraasta ay hakiyeen balse hore kuraas doorashadooda la qabtay ay hakiyeen ayey dib ka fasaxeen oo ay sax ka dhigeen guddigaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*