Shir Sanadeedka garsoorka Oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay

Waxaa Maanta lasoo gabagabeeyay shir sanadeedka garsoorka Soomaaliya oo weli ka socday Muqdisha, kaas oo looga dooday sidii loo heli lahaa caddaalad iyo inay bulshadu hesho garsoor lagu kalsoon yahay

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha maxkamadaha, xeer ilaaliyeyaal, garsoorayaasha dalka, ururka qareennada,madaxda bulshada rayidka, aqoon yahanno Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada midoobay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed oo furitaanka shirka ka hadlayay ayaa sheegay inay doorashada dalka kadib muhiimad gaar ah siin doonaan nooca uu noqonayo garsoorka dalka maadaama uu dalka qaatay nidaam federaal ah, sharciyada uu ku shaqeynayana ay noqdaan kuwa la jaanqaada bulshadeena ayada oo la eegayo daruufaha dhaqan dhaqaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*