
Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa si kulul uga Jawaabay shirka jaraa’id oo uu Magaalada Muqdisho uu ku qabtay Jeneraal Abuukar Warsame Xuud oo ka Tirsan Gobolahaasi islarkaana uu uga waramay xaalada Gobolka Hiiraan.
Afhayeenka Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Xuubey oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in jeneraal Xuud uu qadiyadii Reer Hiiraan uu Afgambi ku sameeyay islamarkaana uu wax badan ku qaraiyay shirkii jaraa’id ee uu ku qabtay Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Golaha kocdaan gobolka Hiiraan cabdiraxmaan Xuubeey ayaa ku Eedeeyay Jeneraal Xuud uu galay arin gaf ku ah Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan iyo shacabkooda .
Afhayeen Cabdiraxmaan Xuubeey ayaa sidoo kale sheegay in ay ka tashan doonaan Talaabada uu qaaday Jeneraal xuud ee ku aadan Safarkiisii Muqdisho iyo kulama uu ka wado.
Leave a Reply