Qaybo ka mid ah Suuqa bakaaraha oo dib loo furay

Muddo afar cisho oo lasoo dhaafay xirnaayeen qaar kamid ah goobaha ganacsiga suuqa weyn  ee bakaaraha ayaa maanta dib loo furay.

Ganacsatada ayaa xirnaashiyaha goobahooda waxay sabab u aheyd canshuur xad dhaaf ah oo ay sheegeen inay ku soo rogeen shakhsiyaad la tilmaamay inay katirsan yihiin daacish.

Waxaa maanta gaaray Suuqa Bakaaraha Ciidamo katirsan Laamaha Amniga iyagoo dib ufuray ganacsigii xirnaa.

Afhayeenka booliska Soomaaliya gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay gudaha suuqa bakaaraha ayaa sheegay in ganacsiga suuqaas caadi kusoo noqday isagoo sheegay in ciidamo amniga suga halkaasi la geeyey.

afhayeenka ayaa ku amray ganacsatada inaysan xarumahooda uxiri karin amar aan aheyn midka dowlada.

Ganacsatada ayaa soo dhaweeyey dib ufurista goobahooda xilli dhowrkii maalmood lasoo dhaafay aysan wax shaqo ah qaban culeys canshuur lagu soo rogay ay bixin waayeen awgeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*