
Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa Maanta u fariistay wajiga Koowaad ee dhageysiga dacwadda kuraasta HOP201, HOP209, iyo HOP211, kuwaas oo doorashadooda lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Kuraastaan oo degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa dhawaan guddiga xalinta khilaafaadka ay hakiyeen ku dhawaaqista Nagiijadooda, waxaana ku kala guuleystay, HOP201 Cabdullaahi Xaashi Abiib, waxaana horay ugu fadhiyay Wasiirka Maaliyadda Beyle, HOP209 Dr Maxamed Xuseen Haadi iyo HOP2011 oo markale loo doortay Caasha Koos Maxamuud Cumar.
Leave a Reply