
Maxkamadda Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa maanta Xukun dil toogasho ah ku xukuntay Alifle-Maxamed Axmed Cabdillaahi, oo lagu helay in uu dilay Gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Dalmar oo ahaa Taliyihii guutada Gamadiid ee xerada ciidamada Somaliland ee degaanka Goroyo-cawl.
dilka ayaa ka dhacay deegaanka Goroyo Cawl ee degmada Boorama ee gobolka Awdal 26-kii Bishaan, iyada oo Askariga dilka geystay oo isku dayay in uu xarunta ka baxsado ay qabteen ciidamada uu ka tirsanaa.
Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyay askaeiga dilka geystay oo khilaaf uu kala dhaxeeyay taliyihiisa.
Leave a Reply