Dhageyso: Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay hay’adddaha samo falka ee Imaaraadka carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, e Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi, kula kulmay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo Hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee Abaartu saameysay.

Saraakiisha Hay’adaha uu la kulmay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in gurmad deg deg ah ay la soo gaaraan Bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo kaashana dowladooda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka wasaarada waxbarshada Hidaha iyo tacliinta saree e Xukuumadda Soomaaliya cabdulaahi Abuukar xaaji ayaa ka waramay kulaanka iyo wax aka soo baxay.

Hoos ka Dhageyso Codka wasiirka Waxbarashada XFS  Cabdulaahi Abuukar Xaaji

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*