Wariye Coldoon oo la sii daayay

Somaliland ayaa maanta xabsiga ka sii deysay Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon, kaas oo muddooyinkii dambe ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Hargeysa.

Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah ugu dhowaaqday in Coldoon lagu waayey wax dambi ah, waxayna amartay in laga sii daayo xabsiga.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa Sidoo kale sheegtay inay rafcaan ka qaadatay go’aanka ka soo baxay maxkamadda Hargeysa ee lagu sii daayey Wariyaha.

Sii deynta Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa waxaa si diiran usoo dhoweeyey ehelladiisa iyo bulshada Soomaaliyeed oo aad uga hadal haya baraha bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*