
Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay doorashada saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi .
3 Kursi ee maanta la doortay ayaa kala ah:
HOP#226,
HOP#218
HOP#270.
Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise ayaa ku soo baxday kursiga koowaad oo tirsigiisu uu yahay HOP#226.
Xildhibaan Dr Maxamed Elmi Ibraahim, ayaa ku soo baxay kursiga sumadiisa yahay HOP#218
Xildhibaan Abdiwahaab Cabdi Cumar ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa yahay HOP#270.
Doorashada kuraasta golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa Si Wanaagsan uga socota magaalada Muqdishoiyo gobolada dalka .
Leave a Reply