
Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Faqi ayaa Guddoomiyey shir looga hadlaayey amniga guud ee Magaalada Baraawe iyo Sugida Goobaha loo asteeyay in ay ka dhacaan Doorashooyinka Golaha shacabka ee laga soo doorto deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka ayaa loga hadlayaa amniga magaalada Baraawe iyo goobaha doorashada ay ka dhaceyso ee magaaladaasi, waxaana ka qeyb galay shirka Sarakiil ka socotay Ciidamada Xoogga Dalka ,Booliska , Nabad sugida ,Daraawiishta Koonfur Galbeed, iyo xubno ka socday AMISOM.
Magaalada Baraawe ayaa dhawaan waxaa ka bilaaban doonta doorashada Xildhibaanada golaha shacabka sida uu qorsheeyay maamulka Koonfur Galbeed.
Leave a Reply