Tahriibayaal ku geerooday Dalka Gariiga

Inta la ogyahay Lix qof oo Soomaali muhaajiriin ah ayaa ku geeriyooday Xuduudka u dhexeeya Dalalka Turkiga iyo Giriiga, lixdaan qof ayaa maydadkooda la keenay magaalada Istanbul, dhacdadan oo ah mid murugo leh ayaa waxa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA uga war bixiyey Dr Maxamed Soomaali oo ah dhakhtar Soomaaliyeed oo ka hawl gala mid kamid ah Cisbitaalada Dowladda Turkiga.

Wasiirka arrimaha guddaha Turkiga Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyey Dowladda Giirigu inay ku tumanays xuquuqda dadka magangelyo doonka isagoo xusay in ciidan ilaalada Giriigu muhaajiriinta ka furtaan dharka celiya qabowga iyo dhamaan waxay agab sitaan.

Dawlada gariiga ayaa Tahriibayaashaasi la sheegay in ay dib u soo celisay Xilli Baraf uu da’ayay taas oo keentay in ay geeriyoodaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*