
Madaxweynaha dawlada Federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyey kulanka uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ku soo bandhigayey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika.
Madaxweynaha oo ka hadlayay guulaha ay Dowladda federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo nabad kusoo dabbaalidda Dalka, ayaa Tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya ay u leedahay in meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka Al-Shabaab iyo ururrada kale ee dagaalada kawada qaaradda.
Madxweyne farmaajo ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda amnigeeda dalka oo ay kala wareegto Amisom, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen Bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo qeexayey qorshaha la wareegidda amniga oo ku aadan hagida iyo jihaynta dowladda Soomaaliya.
Leave a Reply