
Guddiga doorashada kuraasta golaha shacabka ee Hirshabeelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ku qabtay doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Kursiga koowaad Hop#70 ayaa waxaa ku wada tartamay Cabdiraxman Maxamed Sheekh & Maxamuud Cali Bariise,Waxana ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo helay 71 cod halka Musharaxa la tartamayay uu helay helay 14 cod, waxaana halaabay 13 Cod.
Kursiga labaad ee Hop#115 ayaa waxaa ku guuleystay Cali Maxamed Cumar ( Cali Balcad) oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Marwo, Mulki Cabdullahi Islaaw.
Leave a Reply