
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka 5 ka mid ah kuraasta degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi, kuwaas oo lagu dooranayo Magaalada Muqdisho.
Kuraasta Jadwalkooda la shaaciyay ayaa kamid ah kuraas horay guddiga ay u shaaciyeen in doorashadooda la qabanayo, waxaana ay kala yihiin.
1. Hop#240 oo ay hadda ku fadhiso Suri Diiriye Carab.
2. Hop#241 oo uu ku fadhiyo Cabdirisaaq Daahir Maxamed.
3. Hop#263 oo uu ku fadhiyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay Muuse Saciid Jaamac
4. Hop#271 oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye
5. Hop#205 oo ay ku fadhiso Sahro Cabduqaadir Cabdiraxmaan.

Doorashada Shantaan Kursi ayaa guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ay sheegeen inay dhaceyso 10-ka Bishaan, isla markaana diwaangelinta Musharrixinta la soo geba-gabeyn doobo 9-ka Bishaan.
Leave a Reply