
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay wada qaateen kulan gaar ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka, gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada Alshabaab.
Kulankaan uu Ra’iisal Wasaare Rooble uu la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor islamarkaana uu ku wehliyo Ra’iisal wasaare Rooble wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa ku soo aadaya xilli doorashada kuraasta Golaha shacabka ay ka bilaabatay magaalada Dhuusamareeb islamarkaan kursiga uu ku Fadhiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa la doonayo in lagu soo saarao Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo u tarmaya kursi Xildhibaan cabdiraxmaan Odowaa uu ku fadhiyo.
Leave a Reply