
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqaymo ka geysteen degaano ka tirsan Gobolkaasi.
Diyaaradaha ayaa xalay duqeeyay degaano badan waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka dawlada Federaalka ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa ka warramay duqaynta waxana uu sheegay in dad shacab ah ay waxyeelo ka soo gaartay duqeeyntii xalay Ciidanka Kenya ay ka geysteen gobolkaasi.
Leave a Reply