Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan la qaatay maamulka Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa war bixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka, iyagoo ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga war bixiyay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolka si gurmad  deg deg ah loogu sameeyo deegaanada ugu daran ee abaaruhu ka jiraan.

Madaxweyne Cali guudlaawe ayaa ballan qaaday in gurmad biyo dhaamin iyo gargaar la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka ay abaaraha ka jiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*