Khasaare ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho.

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada muqdisho,

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa beegsaday kolanyo Gaadiid oo ay saarnaayeen Ergo ka tirsan kuwa dooranaya xildhibaanada golaha shacabka gobolada waqooyi oo maanta ey doorashadoodu kadhaceysay Magaalada muqdisho.

khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta  kaasi oo soo gaaray dadkii kusugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

In kabadan qof ayaa ku geeriyootay qaraxa halka tiro intaasi ka badan ay ku  dhaawacmeen qaraxa  ,kuwaasi oo loola cararay Isbitaalada magaalada muqdisho.

Warbaahinta ayaa loo diiday in ey goobta kasoo tabiso faah faahinta ku saabsan khasaaraha uu qaraxa geystay, iyadoo ciidamada ammaanka oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay.

Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*