
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigaanka Yuusuf Axmed Hagar ayaa qaabilay Korneyl Nuur Dheer, Xildhibaano iyo saraakiil kale.
Korneylka oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliiska Maamulka Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha ka raali galiyay qadafkii ka dhacay waxaa uuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha.
Dhinaca kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa bogaadiyay imaanshaha uu u yimid waxa uuna aqbalay raali galinta.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa xaliyay dhamaan tabashooyinkii jiray waxa uuna sii wadi doona la kulanka bulshada iyo inuu qanciyo cidwalba oo tabasho qabto.
Leave a Reply