Dawlada Qadar oo shaacisay in ay kordhineyso Taageerada ay siisi Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka XFS  Duran Axmed Faarax ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qadar ee Soomaaliya Mudane Xasan Bin Xamsa Hashem waxayna kawada hadleen iskaashiga labada dal iyo sidii kor koogu sii qaadi lahaa.Ugu horayn Danjire Xasan ayaa Wasiirka warbixin kasiiyay iskaashiga labada dal iyo sida saaxiibtinimadda leh ee dawladda Qadar uga qayb qaadanayso dib u dhiska Soomaaliya.Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka fuliyeen mashaariic horumarineed haatan ay diyaar u yihiin in intaas ka badan labada dal horumarkooda iska kaashadaan.Wasiirka Gaadiidka Duran Farah ayaa ka mahad celiyay taageerada Qadar ee Soomaaliya, iyadoona dhankiisa uu sheegay in muhiimad wayn ay leedahay iskaashi dhanka duulimaadyadda iyo horumarinta Garoomada diyaaradaha ah inuu dhex maro dawladdaha Soomaaliya iyo Qadar.Ugu dambayn Wasiir Duran Farah ayaa adkeeyay iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*