Dhageyso : Gen Xuud oo Xabsi Guri la geliyay iyo Golaha kacdoonka Hiiraan oo Hogaan Cusub dooetay

C/raxmaan Xuubeey ayaa deegaanka ceel gaal duleedka Beled weyne loogu doortay hogaamiyaha cusub ee golaha kacdoonka gobolka hiiraan Waxaana uu sheegay sheegay in general xuud uu ku xayiran yahay hoteel ku yaalla muqdisho.

Inta doorashada ka dhaceyso kuraasta taalla Beled weyne waxay dawlada Soomaaliya garwaaqsatay in lagu haayo Muqdisho oo meelna uga bixin.

Hogaamiyaha cusub ee golaha kacdoonka hiiraan C/raxmaan Axmed Xuubeey ayaa Dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti ku eedeeyey inay taageereen Cali Guudlaawe iyo xulafada Villa Soomaaliya duulaan uu sheegay inay ku qaadeen B/weyne.

Golaha Kacdoonka gobolka hiiraan ayaa umuuqda mid la kala fur furay,balse waxay sheegeen in aysan aqoonsaneyn heshiiskii 8-deedii bishaan ka dhacay B/weyne oo odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sawirka Hoose Waa Cabdiraxmaan Xuubeey oo sheegay in loo doortay Hogaamiyaha Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan

Hoose ka dhageyso Codka Xuubeey

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*