Taliska Ciidanka Booliska Galmudug oo ka war bixiyay dagaal xalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka  Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Dhuusamareeb ay tahay mid degan kadib dagaalkii ka dhacay, isla markaana Ciidamada dagaalamay ay ka wada tirsan yihiin kuwa dowladda Soomaaliya.

hTaliyaha oo Shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay wuxii sheegay in dagaalka uu salka ku haayay rag kamid ah Ciidamada oo taleefoono kala qaaday, hayeeshee ma shaacin khasaaraha dhimasho & midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamadii labada dhinac ee dagaalamay ay hadda ku xiran yihiin Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana Askartii dambi yeelata Maxkamad ay u gudbin doonaan.

Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa beeniyay in dagaalki ka dhacay Dhuusamareeb uu u dheexeyay ilaalada Musharixiinta Kulane Jiis iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame   waxaana uu uga  digay musharrixiinta Golaha Shacabka ee Ciidamada faraga badan halkaasi la tefay, isaga oo sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in la khalqal geliyo niga Caasimadda Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan musharrixiin badan  oo Golaha Shacabka ah u tartamaya , waxaana mid kasta uu wataa Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan, waxaana siweyn looga dareemaya Magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*