
Afar qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay, miino ku qaraxday mooto bajaaj ah oo ay saarnaayeen oo maraysay duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Jowhar Bashiir Xasan Xalfooy ayaa sheegay, in afarta qof ee dhimatay ay dhamaantood ahayeen dad rayid ah oo ku socdaalayay tuulada Xaanshooley oo qiyaastii 7 km u jirta magaalada Jowhar.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa miino ee ay ku dhinteen dadka rayidka ah, waxaase aalaaba Jowhar iyo deegaannada ku xeeran miinooyinka galiya Al-Shabaab oo bartilmaameedsada ciidamada dawladda iyo kuwa midowga afrika ee gobolka jooga.
Leave a Reply