
Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka War bixiyey is hortaaggii shalay lagu sameeyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo loo diiday inuu ka baxo garoonka Aadan Cadde, xilli uu ku sii jeeday Baraawe.
Cabdifitaax Aadan ayaa sababta ku sheegay in guddoomiyuhu watay ciidamo fara badan iyo hub, taasina ay keentay in laga hor istaago inuu ciidamadaas kala baxo garoonka.
Afhayeenka ayaa Carabka ku adkeeyay in amniga Baraawe uu sugan yahay, isla-markaana musharixiinta tegaya kaliya loo ogol yahay ilaalo gareyso 4 ama 5 nin o kaliyah
Leave a Reply