Diyaarad Shixnad Gargaar ah Sida oo ka soo degtay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Waxaa maanta laga soo dejiyay Shaxnadii seddexaad oo ka timaada Dowladda Imaaraatka Carabta Waxaana guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Mareeynta Musiibooyinka e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye taas oo loogu talagalay dadka ay Abaaraha ku Saameeyeen dalka.

“Dowladda Imaaraatka waxaan uga mahadceliyay doorkooda ku aadan xaaladdaha Bini’aadanimo ee dalka ka taagan” ayey tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye Iyadoo ku soo aadayaan immaatinka deeqaha nooga immanayaan Dowladda Imaaraatka xilli abaaro ba’an ey ku dhufteen guud ahaan Soomaaliya ayay tiri Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo maareeynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*