Diiwaan Gelinta 13 Kursi oo maanta ka socota Magaalada Baraawe

Magaalada Maanta Magaalada Baraawe  ka billowday diiwaangelinta musharrixiinta 13 kursi ee Golaha Shacabka, kuwaas oo guddiga doorashooyinka dhawaan shaaciyeen.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Guddoonsiiyey Dr Cali Saciid Faqi oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, kaas oo u tartamaya Kursiga Hop-187.

Cali Saciid Fiqi ayaa la filayaa in kursigaan kusoo baxo, waxaana horay ugu fadhiyay Shariif Sheekhunaa Maye.

Sidoo kale Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Xamza Saciid Xamza oo ah Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-194.

Kursiga HOP#194 ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ku fadhiyay isla Xamza Saciid Xamza, isaga oo Burci Maxamed Xamze oo sanadkii 2016-kii ku geeriyooday qarixii ka dhacay Hotelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho.

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Cal sheekh Maxamuud Nuur oo  u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143.

Kursiga Hop-143 ayaa waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Cali Sheekh Maxamed Nuur, waxaa sidoo kale Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka ay Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyeen Alwiya Saciid Cabdullaahi oo u tartamaysa kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-148.

Kursiga Hop#148 ayaa waxaa ku fadhisa Aamina Xasan Cali, waxaa sidoo kale Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Maxamed Cumar oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-162, kaas oo uu ku fadhiyo Cali Sheekh Cabdullaahi.

Musharrixiinta Maanta shahaadada musharraxnimo la guddoonsiiyay ayaa waxaa kamid ah Muqtaar Axmed Xasan ( Saajid) oo U-tartamaya kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-057, kursigaas oo uu hadda ku fadhiyo Axmed Cumar Isloow.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ayaa la filayaa inay maanta soo geba-gabeeyaan diiwaangelinta musharrixiinta si Maalibta berito ah loo qabto doorashada qeybta 1aad 13 kursi ee horay loo shaaciyay.



Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*