Amaanka Xaafada Soomaalida ay degto ee Islii oo la Adkeeyay

Ciidamada Booliska Kenya ayaa adkeeyay ammaanka xaafadda Eastleigh ee magaalada Naiorbi kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka dhaceen falal amni darro ah oo lagu beegsanayay bulshada Soomaalida ee ku nool Xaafaddaasi.

Guddiga amniga Xaafadda Eastleigh ayaa sheegay in hawlgalladii looga gol leeyahay sidii looga hortagi lahaa kooxo burcad hubaysan oo maalmihii lasoo dhaafay dhac ka gaysanayay xaafadda Eastleigh.

Xaafada Eastleigh ee magaalada Naiorbi Islamarkaana Soomaalida ay u badan tahay ayaa waxaa ku soo kordhay dil iyo dhac ay geysanaya Kooxo Burcad Kenyan ah oo Dadka Booleeyda iyo agabyada kale ay wataan ka qaata.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*