
Waxaa ku geeriyooday Magaalada Beledweyne Israsaaseeyn ku dhexmartay Ciidamada Booliska Beledweyne iyo Ciidamada Haramcad Taliyihii Booliska Beledweyne Maxamed Duurdage.
Is rasaaseynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday gudaha Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababaha keenay isku dhaca labada Ciidan, waxaana mararka qaar weli ka maqlayaa rasaas goos goos ah oo u dhaxeeysa Ciidamada Booliska Beledweyne iyo kuwa Haramcad.
Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa a kacsan, waxaana Israsaaseeynta laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Leave a Reply