Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Baladweyne+ Sawiro

Qarax ayaa lala beegsaday maqaayadda Baar Xasan dhiif ee ku taalla bartamaha magaaladda Baledweyne.

Goob joogayaal ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray Walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dadkii maqaahida ku sugnaa xilliga uu qaraxa dhacayay.

Qaraxa inta uusan dhicin ayaa goobta waxa ay hayad mid dad badan ay ku sugnaayeen oo ay ku jiraan mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Maamulka gobolka Hiiraan  iyo Hay’adaha  amniga gobolka Hiiraan wali kama aysan hadlin balse Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhiban kala dire oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle uu u dhintay dhaawac  ka soo garay qaraxii maanta ka dhacay magaalada baladweyne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*