Ra’iisal Wasaare Roble oo ka hadlay cabasho ka soo yeertay Beelaha banaadiriga

Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Cabasho ay ka soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.

Ra’iisal Wasaare sheegay Si loo xalliyo cabashadaas, inj uu magacaabayo guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xubno ka tirsan Xafiiskiisa , si ay u baaraan cabashada ka soo yeereysa Beelaha banaadiriga  warbixinna ugu soo celiyaan isaga sida ugu dhaqsiyaha badan.

Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga ayuu yiri’ Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo soo saaray qoraalkaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*