Ra’iisal Wasaare Rooble oo Magacaabay Gudi baara Cabashada Beelaha Banaadiriga

Ka dib markii uu kulan wadatashi ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Guddiga Doorashada Banaadiriga (SEIT), Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo ka socda FEIT, SEIT Banaadiriga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kuwaas oo kala ah:FEIT1- Muuse Geelle Yuusuf. Guddoomiyaha FEIT, Guddoomiye2- Maxamed Aadan Cismaan3- Cabdi Hiis UdanSEIT Banaadiriga4- Sacdiyo Aways Cali Boolaay. Guddoomiyaha SEIT Banaadiriga5- Saciid Cabdulqaadir Axmed6- Maxamed Cabdulxamiid AxmedXafiiska Ra’iisul Wasaaraha7- Avv. Cumar Maxamed Cabdulle La taliyaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha Guddigan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u xilsaaray in ay baaraan cabashada la xiriirta kuraasta Banaadiriga ee Golaha Shacabka iyo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyaan talo iyo warbixin ku aaddan arrimaha cabashadu ka taagan tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*