Wararkii Ugu dambeeyay Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Baladweyne iyo khasaaraha ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Beled weyne gaar ahaan halka loo yaqaano Baar xasan Dhiif.

Qaraxaasi oo ay al shabaab sheegteen ayaa waxa ka dhacay maqaaxi ay sheegeen in saraakiil iyo mas’uuliyiin iskugu tegi jireen kuna taalla meel ku dhaw Xerada lama galaay.

Inta la og yahay 13 qof ayaa ku dhintay waxaana dhaawaca uu ka badan yahay 20 kale sida ay sheegeen dad lagu kalsoon yahay iyo ilo laga helay Cusbitaalka Beled weyne oo dhaawaca la dhigay.

Dadka ku dhintay qaraxaasi waxaa ku jira mas’uuliyiin iyo dad shacab ahaa.

Al Shabaab ay shaaciyay magacyada dadka ay qaraxa ku dileen waa sida ayu qoreen.

 Cabdi Rashiid Sheekh Cali oo ahaa gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan.

 C/Raxmaan Keynaan oo isna ahaa gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee maamulka Beledweyne.

 Aadan Cabdi Faarax Kaladire, oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka HiirShabelle.

Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka ee magaalada Baladweyne oo magaciisa lagu soo koobay Aboor.

 Iyo Ustaad Foodcadde oo ahaa Macalin si weyn looga yaqaanay Beled weyne balse Al Shabaab ay sheegeen inuu ahaa agaasime ka tirsanaa maamulka gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhintay Qaraxa sida ay Warqaad ogaatay waxaa ku jira marxuum Maxamed Salaad Cabdullaahi Nuur oo ahaa murashax u tartamaya Kursiga sumadiisu tahay Hop#003 waxaana uu rabay inuu la tartamo Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan beena beene.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*