Fahad Yaasiin oo loo doortay Xildhibaan ka Tirsan baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya

 Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa  Maanta loo doortay xildhibaan ka Tirsan baarlamaanka 11ad ee Soomaaliya ka dib doorasho maanta ka dhacday Magaalada baladweyne waxaana uu ku guuleystay Kursiga HOPP#086  isaga u mahad celiyey ergadii u dooratay Kursigaas.

Xildhibaan Fahad Yaasiin oo khudbad kooban  jeediyey markii la doortay ayaa sheegay inuu dhibaato badan usoo maray sidii uu u heli lahaa kursiga.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in la arkay waxa ay tahay doorashada dadban ee dalka ka dhacdo, wuxuuna sheegay inuu Khadiija Maxamed Diiriye oo joogtay halka lagu doortay uu ka baran doono sida mar labaad iyo mar Sedexaad loogu soo noqdo kursiga.

Kursiga ku guuleystay fahad yaasiin ayaa hore waxa ugu fadhiyay faarax sheikh Cabdsulqaadir balso sababo caafimaad dalka ugu maqan dalka Hindiya si uu isu soo daaweeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*