
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaliya sidoo kale ah musharax Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hanaan baalmarsan ay ku socoto Doorashada maalmahaan la filayo in lagu qabto Magaalada Boosaaso.
Wasiir Jamaal ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo gaar ah oo loogu talagalay sugidda Amaanka Doorashada Balse Puntland ay Ciidankeeda Badda geeysay Goobaha Doorashada taas oo uu wasiirku sheegay in ay shaki badan gelinayso Doorasho xalaal ah in ay dhacdo.
Sidoo kale wasiir Jamaal ayaa sheegay in cabashadooda ay la wadaagayaan Beesha Caalamka si ay ugalaan Dooraasho Daahfuran.
Hadalka Wasiir Jamaal ayaa imaanaya Xilli maalmaha inagu soo wajahan la filayo Boosaaso in lagu qabto Doorashada 16kursi oo kamid ah kuraasta Golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Somalia
Leave a Reply