Dhageyso: Afhayeenka Dawlada Federaalka ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo Cambaareeyay Gudiga doorashooyinka Heerfederaal

Korneyl Aadan Rufle oo ah Afhayeenka Dawlada Federaalka Soomaaliya ee gobolada Jubaayinka ayaa uga digay Gudiga doorashooyinka Heerfederaalka in 16 Kursi ee degaan doorashooda ay Magaalada Garbo haareey ee Xaruunta gobolka Gedo .

Korneyl Rufle ayaa ku Eedeeyay Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Gudiga doorashooyinka Heer Federaal ay qorsheynayaan arintaan ‘ waxana uu sheegay in gobolka Gedo uu nabad yahay ismarkaana ay doonayaan in lagu qabto doorashada 16 kursi Ciidamada Amniga dawlada Federaalka ee ku sugan magaalada Garbo haareey iyo guud  ahaan gobolka Gedo ay diyaar u yihiin in Amniga doorashada ay xaqiijiyaan.

Hadalkaan Eedeeynta ah eek a soo baxay Korneyl Rufle ayaan ilaa hadda Wax Jawaab ah aysan ka bixin Gudiga doorashooyinka Heeer Federaal iyo Ra’iisal Wasaare Rooble oo dhammaantood lagu Eedeeyay in ay ku hawlan yihiin sidii kuraasta doorashadooda ay taalo magaalada Garbo haareey ay doonayaan in ay ka Wareejiyaan halkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*