
Hay’adaha AmnigaDawlada Federaalka soomaaliya ayaa gacanta soo qabtay Dad lagu eedeeyay Weerar Bambooyinka gacanta loo adeegsaday ku qaadeen qaar ka mid ah Saldhigyada Booliiska degmooyinka gobolka Banaadir.
Afayeenka Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in la weeraray Saldhigyada Boliiska Wadajir, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere isla markaana gacanta lagu soo dhigay kooxihii weerarka ka dambeeyay .
Afayeenka ayaa sheegay in Ciidanka Booliisku ay soo qabteen 7 Ruux oo ku eedeysan inay soo weerareen Saldhigyada Booliiska degmooyinkaasi.
Leave a Reply